Macadku waa magaal kaqoray xiririka kadhaxeeya turkey iyo somaliya iyo caqabadaha uu wajahayo xiriirkasi mustaqbalka .
Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya waa xiriir muddo dheer soo jiray, laakiin marxaladdii ugu weynayd ee xiriirka casriga ahi waxay si xooggan u bilaabatay 2011, kadib booqashadii Recep Tayyip Erdoğan ee Muqdisho xilligii uu Ra’iisul Wasaaraha ahaa. Tan iyo markaas xiriirku wuxuu ka gudbay kaalmo bani’aadamnimo oo keliya, wuxuuna noqday xiriir diblomaasiyadeed, siyaasadeed, dhaqaale, amni, ciidan, waxbarasho iyo istaraatiiji.
Xiriirka labada dal wuxuu leeyahay taariikh ka sii horreysa Jamhuuriyadda Soomaaliya isagoo xididdo ku leh xiriirkii Boqortooyadii Cusmaaniyiinta. Xiriirka diblomaasiyadeed wuxuu yeeshay qaab rasmi ah markii Safaaradda Turkiga ee Muqdisho la furay 1979 Safaaraddu waxay xirantay 1991 kadib burburkii dowladdii dhexe. Booqashadaas 2011 waxay noqotay meel muhiim ah oo xiriirka casriga ah dib loogu dhisay Kadib waxaa kordhay gargaarka, mashaariicda horumarineed. 2017 Turkigu wuxuu Muqdisho ka hirgeliyay xaruntiisa milatari ee weyn ee dibadda, waxaana halkaas lagu tababaray ciidamo Soomaaliyeed turkisom.
2024 waxaa dhacay tallaabooyin waaweyn
Heshiis difaac iyo iskaashi dhaqaale
Maritime security Tababarka iyo qalabaynta ciidamada badda Soomaaliya baarista Shidaal iyo gaas Iskaashi dhaqaale Dhinaca diblomaasiyadda iyo siyaasaddaTurkigu wuxuu Soomaaliya la leeyahay xiriir siyaasadeed ooTusaale ahaan, 2024 Turkigu wuxuu fududeeyay wada-hadalladii Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan khilaafkii ka dhashay arrinta marin-badeedka Ankara Declaration ee December 2024 waxay xustay ixtiraamka madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya, iyadoo Turkigu fududeeye ka ahaa wada-hadallada ,Sidoo kale Turkigu wuxuu tan iyo 2013 fududeeye ka ahaa wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.
Turkigu door noocee ah ayuu ku leeyahay dowlad-dhiska Soomaaliya?
Dowlad-dhisiddu waxay ka kooban tahay wax ka badan dhisidda dhismayaal Waxay ku saabsan tahay awoodda dowladda, hay’adaha, ciidamada, adeegyada bulshada iyo maamulka.
Turkigu wuxuu ku taageeraa somaliya
taageerada hay’adaha dowladda Amniga
tababar ciidan qalab horumarinta ciidamada
taageerada ciidamada badda Adeegyada bulshada
caafimaad deeqaha waxbarasho,hormarinta kaabayasha dhaqaale TİKA, tusaale ahaan, waxay Soomaaliya ka fulisay mashaariic caafimaad, waxbarasho, dhisma wadooyinka ,beeraha.
Maritime security waa amniga iyo ilaalinta badda
Waxay ku saabsan tahay ilaalinta biyaha Soomaaliya kalluumeysiga ,dekedaha,maraakiibta
ganacsiga. Heshiiska 2024 wuxuu dhigayaa iskaashi lagu horumarinayo awoodda Soomaaliya ee ilaalinta biyaha dhuleed, oo ay ku jiraan tababar iyo qalab loogu talagalay ciidamada , Heshiiska shidaalka iyo gaaska Tani waa marxalad cusub oo aad muhiim u ah,7 March 2024, Soomaaliya iyo Turkigu waxay saxiixeen heshiis dowladeed iyo memorandum ku saabsan iskaashiga shidaalka iyo gaaska ee dhulka iyo badda Bishii July 2024, waxaa sidoo kale la saxiixay heshiis wax-soo-saar-wadaag ah oo ku saabsan saddex blocks oo ku yaalla biyaha Soomaaliya.
Dabadeed waxaa la bilaabay sahaminta seismic-ka badda Soomaaliya, iyadoo markabka Oruç Reis uu xog ka ururiyay saddex goobood oo offshore ah.
Heshiis iskaashi wuxuu noqon karaa mid labada dhinac faa’iido u leh, laakiin faa’iidada dhabta ah waxay ku xirnaanaysaa shuruudaha heshiiska iyo sida loo fuliyo.
Turkigu muxuu u danaynayaa Soomaaliya?
Waxaa jira dhowr arrimood oo lagu fahmi karo danaha Turkiga, Geopolitics Soomaaliya waxay ku taallaa meel aad muhiim u ah Gacanka Cadmeed marinka Bab-el-Mandeb iyo kulaalida Badda Cas iyo somaliya ku birtay Suuqa Bariga Afrika Sidaas darteed Soomaaliya waxay ku dhowdahay mid ka mid ah marin-biyoodka ugu muhiimsan ee ganacsiga caalamiga iyo marin uu turkugigu africa kagalo.Maxay Soomaaliya uga faa’iidaysan kartaa xiriirka?
Haddii si hufan loo maareeyo xiriirku wuxuu Soomaaliya ka caawin karaa Dowlad-dhisid Amni hormarinta kabayaa dhaqaalel helida deeqo Waxbarasho soo saarida Khayraadka iyo ilaalinta Maritime security Waxa ugu muhiimsan waa in Soomaaliya aysan ku ekaan qaataha kaalmo, balse ay noqoto lammaane awood u leh inay ka gorgortanto, maamusho, kormeerto oo ka faa’iidaysato heshiisyada. Maxay yihiin caqabadaha mustaqbalka wajahayo xiriirka somaliya iyo turkey ?
Ku-tiirsanaanta dibadda Haddii hay’adaha Soomaaliya ay muddo dheer ku tiirsanaadaan taageero shisheeye, waxaa jiri karta caqabad ku saabsan dhisidda awood madax-bannaan
Daahfurnaanta heshiisyada ,Heshiisyada shidaalka, dekedaha iyo khayraadka waa inay yeeshaan sharci cad kormeer xog dadweyne isla xisaabtan Khayraadka dabiiciga ah Shidaalka iyo gaasku waxay keeni karaan faa’iido dhaqaale, laakiin sidoo kale waxay keeni karaan muran ku saabsan dakhliga deegaanka maamulka khayraadka awood-qaybsiga ,Xiisadaha gobolka
Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga wuxuu si gaar ah ugu xiran yahay xaaladda Geeska Afrika, Itoobiya, Somaliland, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Tartanka quwadaha Geeska Afrika waxaa danaynaya quwado iyo dalal badan,Sidaas darteed Soomaaliya waxay u baahan tahay siyaasad dibadeed oo ilaalisa madax-bannaanida , danaha qaranka , dheelitirka xiriirrada caalamiga ah, Amniga gudaha Soomaaliya Haddii amni-darradu sii jirto waxay saameyn kartaa maalgashiga shidaalka dekedaha ganacsiga mashaariicda horumarineed.
Gunaanad
Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya maanta ma aha oo keliya xiriir gargaar Wuxuu u gudbay xiriir istaraatiiji ah oo isku xiraya diblomaasiyad, dowlad-dhisid, dhaqaale, amni, ciidan, waxbarasho, kaabayaal, shidaal iyo maritime security inkasto wayadaan danbe lagu eedaynayo dowlada turkigu inay kumilantay siyaasadi gudaha laguna edaynayo inay dhinac lasafatay ciidamadii ay toobabartayna iyo qalabki malitari lasiyaasadeeyey loona adeegsaday dano siyaasadeed dowlada turkigana lagu edaynayo in ayfadhi kadhigtay koonfurta soomaliya taaso maamuladi kale aysan kafulin mashaaric hormarineed laguna eedaynayo in kuloolanka turkiga iyo israil udhaxeeya uu saamen kuyeeshay dowladhiskii somaliya , hishiisyada ay wadagaleen turkiga iyo soomaliyana ladurayo maadaama aan lamarin habraacyadi saxda ahaa xog badana aan laga o geyn taaso dhawacaysa hishiisyada aygaleed labada dowladood siiba dowlada hada muda xileedkeedu dhamaaday lagu eedaynayo daahfurnaan la -aan ,somaliya isjiidjidka ayey khatar ugu jirta taaso sababi karta kalago, dowlad daciifa,khilaaf udhaxeeya dowlada faderalka ah iyo dowladaha xubna ka ah iyo in jumhiiriyadi sedexaad ay kuburburto ishardanka udhaxeya kuwadaha iyo kalajiidashada madaxda somalida ayooda arintaasi ay khadarkudahay jiritanka dowladnima somaliyeed o madaxbnanaan iyo hubanti la-aanta doorashonka aan hishi lagu ahayn.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *