Macadku waxa uu maqaal ka qoray doorka Institutions ku leeyihin dowlad dhiska iyo sida Soomaaliya ku helikart institutions xoogan.
Institutions waa hay’ado ama nidaamyo hay’adeed Marka laga hadlayo dowladnimada, institutions ma aha oo keliya dhismayaal ama xafiisyo waa hay’adaha, sharciyada, xeerarka, habraacyada iyo dhaqamada siyaasadeed ee nidaamiya sida awoodda. Tusaale Baarlamaanka waxay sameeya
sharciyada,Maxkamadahu waxay fasira oo dhaqan geliya sharciga ,Wasaaradaha waxay fuliya siyaasadaha dowladda,Booliska iyo ciidamada ilaaliya amniga, iyagoo ku shaqaynaya sharciga
Hay’adaha doorashooyinka waxay maamula habka doorashada,Hay’adaha hanti-dhowrka waxa hubiya sida hantida dadweynaha loo isticmaalo.
Maxaa Institutions loo aas-aasay?Ujeeddada ugu weyn waa in dowladnimadu aysan ku xirnaan qof keliya, balse ay ku shaqeyso xeer, nidaam iyo hay’ado joogto ah,Waxay qabtaan dhowr shaqo Inay nidaamiyaan awoodda yaa go’aan qaadan kara, sidee loo xaddidayaa?Inay ilaaliyaan sharciga qof kasta inuu sharciga hoos yimaado,Inay bixiyaan adeegyo waxbarasho, caafimaad, amni, canshuur, iwm,Inay ilaaliyaan xuquuqda muwaadiniinta,Inay abuuraan isla-xisaabtan dowladda in lagula xisaabtamo awoodda iyo lacagta ay isticmaasho,Inay xalliyaan khilaafaadka gaar ahaan maxkamadaha iyo hay’adaha dhexdhexaadinta Inay abuuraan kalsooni muwaadinku inuu aaminsanaado in dowladda iyo sharcigu si caddaalad ah u shaqeynayaan.Waa maxay doorka Institutions ku leeyihiin dowlad-dhiska?Institution-building waa laf-dhabarta state-building,Dowlad xooggan lama dhiso oo keliya iyadoo la sameeyo madaxweyne, baarlamaan iyo wasaarado Waxaa loo baahan yahay in hay’adahaasi si joogto ah oo sharci ku dhisan u shaqeeyaan Xiriirka wuxuu noqon karaa sidan Institutions xooggan waxay dhisaan State capacity xooggan oo bixaya adeegyo wanaagsan korna uqaada kalsooni dadweyne hagaajiyo sharciyad dowladeed waxaa markas lahelayaa dowlad xooggan.Maxaa ka dhaca marka Institutions-ku daciif yihiin?Institution daciif ah wuxuu keeni karaa,Institution daciif ah Sharci aan si isku mid ah loo fulin Awood qofeed iyo siyaasad shaqsiyeed Musuqmaasuq iyo isla-xisaabtan la’aan Adeegyo dowladeed oo liita
Kalsooni darro shacabka ah Dowladnimo daciif ah.
Sidee Soomaaliya ku heli kartaa Institutions xooggan?Soomaaliya waxay u baahan tahay qorshe dhowr dhinac ah,In la helo heshiis siyaasadeed iyo dastuur cad Marka hore waa in si cad loo qeexo awoodda Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada sida dakhliga loo qaybsanayo cidda masuulka ka ah amniga
In hay’adaha laga dhigo kuwo ka sarreeya shaqsiyaadka Taas macnaheedu waa in nidaamku sii shaqeeyo xitaa marka Madaxweyne is beddelo
xukuumad is beddesho,Haddii hay’addu shaqeyso oo keliya marka qof gaar ahi joogo, institution-ku weli ma xoog badna, In la dhiso civil service xirfad leh Shaqaalaha dowladda waa in lagu doortaa
Merit,qualification ,experience oo aan lagu saleeyn oo keliya qaraabo,qabiil ,xiriir siyaasadeed.
In la xoojiyo hay’adaha isla-xisaabtanka
Sida Baarlamaanka,Hanti-dhowrka,Maxkamadaha
Hay’adaha la-dagaallanka musuqmaasuqa Warbaahinta,Bulshada rayidka ah.
In la dhiso nidaam maaliyadeed xooggan
Dowlad aan dakhli gudaha ah ururin karin waxay ku adkaanaysaa inay si madax-bannaan u shaqeyso,Horumar ayaa laga sameeyay public financial management iyo nidaamyada maaliyadeed, laakiin dakhliga gudaha iyo xiriirka maaliyadeed ee dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada weli waa caqabado muhiim ah In hay’aduhu adeeg dhab ah u keenaan shacabka Institution xooggan waxaa lagu cabbiri karaa waxa uu muwaadinka u qabto
Haddii muwaadin ku helo aqoonsi helo adeegyo caafimaad helo maxkamad caddaalad ah helo amni bixiyo canshuur oo arko halka ay ku baxday
wuxuu bilaabayaa inuu rumaysto dowladda.
World Bank-na wuxuu xusay in adeeg-bixinta iyo hay’adaha muuqda ee muwaadiniintu la kulmaan ay muhiim u yihiin accountability, legitimacy iyo social contract.
Gunaanad
Dowladnimada waxaa dhisa institutions, institutions-na waxaa xoogga siiya sharci, awood, dhaqaale, shaqaale xirfad leh, isla-xisaabtan iyo kalsooni dadweyne Soomaaliya haddii ay rabto dowlad xooggan, ma aha inay xoogga saarto oo keliya “yaa talada haya” waa inay xoogga saartaa nidaamkee ayaa talada xakameynaya, sidee hay’aduhu u shaqeynayaan marka qofka talada haya is beddelo?Tani waa farqiga u dhexeeya “strong leader” iyo “strong state.” Soomaaliya waxay u baahan tahay strong institutions ,strong state ,good governance , sustainable development.

Leave a Reply