Macacda ku waxa maqaal ka qoray cagabadha haysta national security somaliyo iyo sidii amniga qaranka somaliy lohormarin karo.
Waa maxay National Security?National Security waa Amniga Qaranka, waa awoodda dowladdu u leedahay inay ilaaliso dalka iyo shacabka, kana hortagto khatar kasta oo wax u dhimaysa nabadda, madax-bannaanida, dhaqaalaha iyo xasilloonida dalka.
National Security waxay xoogga saartaa dhowr arrimood
Amniga gudaha,La dagaallanka argagixisada,La dagaallanka dambiyada abaabulan
Ilaalinta shacabka,Ka hortagga rabshadaha
Sugidda nabadda magaalooyinka iyo miyiga Difaaca dalka,Ciidanka Qaranka,laalinta xuduudaha,Ilaalinta dhulka, badda iyo hawada
Ka hortagga weerarrada dibaddaSirdoonka (Intelligence)
Waa maxay faa’iidada National Security
Shacabka oo nabad ku noolaada,Dadku waxay helayaan amni ay ku shaqeystaan, ku bartaan kuna noolaadaan.,Dhaqaale kobca Ganacsade ma maalgelinayo meel uu ka baqayo in hantidiisa la burburiyo ama la dhaco ,Dowladdu awood yeelato,Hay’adaha dowladda ayaa si wanaagsan u shaqayn kara,Madax-bannaanida dalka oo la ilaaliyo Dowlad awood u leh inay ilaaliso dhulkeeda, xuduudaheeda iyo danaha qaranka waxay leedahay madax-bannaani dhab ah.
Maxay yihiin caqabadaha National Security ee Soomaaliya haysta?
Kooxa xagjirai yo kooxaha hubaysan,Ciidamo iyo hay’ado amni oo aan weli si buuxda u mideysnayn,Khilaafaadka siyaasadeed
Marka dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyadu isku khilaafaan arrimo waaweyn, awoodda dowladda ee amniga way daciifi kartaa, Dhaqaale xaddidan,Ciidan, boolis, sirdoon, maxkamado iyo xuduudo ammaan ah dhammaantood waxay u baahan yihiin lacag joogto ah,Hubka sharci-darrada ah Hubka aan si fiican loo diiwaangelin ama loo maamulin wuxuu kordhin karaa khatarta,Xuduudaha iyo dhulka baaxadda leh
In dhammaan dhulka iyo xuduudaha Soomaaliya si isku mid ah loo ilaaliyo waa hawl aad u weyn
Shaqo la’aanta iyo fursadaha dhalinyarada oo xaddidan Dhalinyaro aan helin waxbarasho iyo shaqo waxay noqon karaan kooxaha xagjirka ah bartilmaameed u nugul, Hay’ado iyo sharciyo weli la dhisayo National Security waxay u baahan tahay hay’ado joogto ah oo ka sarreeya qof ama xukuumad gaar ah.
Sidee caqabadahaas loo xallin karaa?
In lahormariyo Sirdoon ladhiso ciidan xirfad leh iyo boolis cadaalada laxoojiyo iyo adeegyo dowladeed labixiyo inCiiidanka lanidaamiyo loonasameeyo National Security Architecture cad
In mesha lakasaaro Khilaaf siyaasadeed lanahelo Dastuur iyo heshiisyo siyaasadeed oo la isku raacsan yahay ,Khilaaf beeleed Wadahadal laguxaliyo maamul wanaagsan lasameeyo
Hubka sharci-darrada ah la Diiwaangelin lana xakameyn lana sameeyo kaydin ammaan ah
Dhaqaale yari in Dakhliga gudaha korloqaado maamul maaliyadeed lawanaajiyosa
Sidee Soomaaliya ku hormarinkarta National Security geeda.Ciidan xooggan ,Sirdoon wanaagsan,Boolis wanaagsan,Cadaalad iyo sharci
Dowlad shaqeysa,Dhaqaale xooggan,Shacabka oo dowladda aaminsan,Siyaasad gudaha oo xasilloon
Siyaasad dibadeed oo caqli leh.

Leave a Reply