Macadku waxa uu maqaal kaqoray xiriirka kadhaxeeya Democracy iyo Development
Dimuqraadiyad waa nidaam dowladeed ay dadku ku doortaan hoggaamiyayaashooda cod xor ah, iyadoo la dhowrayo xuquuqda muwaadiniinta, sharciga, iyo sinnaanta. Waa maxay tiirarka Democracy.
Tiirarka ugu muhiimsan ee dimuqraadiyadda waa
Doorasho xor iyo xalaal ah.
Ku dhaqanka sharciga Rule of Law.
Ixtiraamka xuquuqda aadanaha Kala madax-bannaanida hay’adaha dowladda.
Xorriyadda hadalka iyo saxaafadda.
Ka qaybgalka shacabka ee go’aan qaadashada.
Isla xisaabtan iyo daahfurnaan.
Waa maxay faa’iidooyinka Democracy-ga?
Dadku waxay doortaan hoggaamiyayaashooda.
Xuquuqda iyo xorriyadaha shacabka waa la ilaaliyaa.Waxay kordhisaa isla xisaabtanka dowladda.Waxay yareyn kartaa musuqmaasuqa haddii hay’aduhu si wanaagsan u shaqeeyaan.
Waxay dhiirrigelisaa nabadda iyo xasilloonida.
Waxay abuuri kartaa jawi ku habboon horumar dhaqaale iyo bulsho.
Waa maxay Development Horumar?
Horumar waa geeddi-socod lagu hagaajinayo nolosha dadka, sida waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, kaabayaasha, iyo tayada guud ee nolosha. Waa maxay noocyada Development-ka?.
Noocyada horumarka waxaa ka mid ah:
Horumarka dhaqaalaha.
Horumarka bulshada.
Horumarka siyaasadda.
Horumarka tiknoolajiyadda.
Horumarka deegaanka.
Horumarka kaabayaasha waddooyinka, biyaha, orontada, iwm.
Maxaa xiriir ka dhexeeya Democracy iyo Development?
Labaduba si dhow ayay isugu xiran yihiin
Dimuqraadiyad wanaagsan waxay abuuri kartaa maamul hufan, nabad, iyo isla xisaabtan, kuwaas oo fududeeya horumarka.
Horumarkuna wuxuu xoojin karaa dimuqraadiyadda, maadaama dadka waxbartay oo noloshoodu hagaagsan tahay ay si firfircoon uga qayb qaataan maamulka dalka. Kee labada horeeya:Democracy mise Development?
Ma jiro hal jawaab oo dhammaan dalalka quseysa.
Qaar waxay aaminsan yihiin in dimuqraadiyaddu ay horseeddo horumar.Qaar kalena waxay sheegaan in horumarka gaar ahaan waxbarashada, dhaqaalaha, iyo hay’adaha uu fududeeyo in dimuqraadiyad waarta la dhiso.
Sidaas darteed, inta badan waxaa la yiraahdaa labaduba way is taageeraan oo mid walba kan kale ayuu xoojiyaa. Dimuqraadiyad wanaagsan waxay dardargelisaa horumar, horumar joogto ahna wuxuu .

Leave a Reply