Macadku waxa uumaqaal koqoray dowlad wanaaga.
Waa maxay Government Dowlad?
Government waa hay’adaha iyo dadka awoodda sharciyeed u leh inay maamulaan dal, sameeyaan sharciyo, hirgeliyaan siyaasado, ilaaliyaanamniga,kana bixiyaa adeegyadabulshada.MadaxweynahaGolahaWasiirrada Baarlamaanka Garsoorka
Waa maxay Governance Maamul?
Governance waa habka iyo nidaamka lagu maamulo bulshada, lagu gaadho go’aannada, laguna fuliyo siyaasadaha iyo adeegyada.
Governance kuma koobna dowladda oo keliya waxaa ka qayb qaata Dowladda GanacsatadaBulshada rayidka ah CulimadaWarbaahintaMuwaadiniinta Sidaas darteed governance waa habka maamulka, halka government ay tahay hay’adda maamusha.
Waa maxay Good Governance Dowlad-wanaag?
Good Governance waa maamul hufan, caddaalad ah, isla xisaabtan leh, kana shaqeeya danta guud ee shacabka.Sharci ku dhaqan Daahfurnaan
Caddaalad La-dagaallanka musuqmaasuqaKa-qaybgalka shacabkaWaxqabad iyo adeeg hufan Maxay yihiin Tiirarka Good Governance?
Tiirarka ugu muhiimsan waxaa ka mid ah Rule of Law Sarreynta SharcigaQof kasta wuxuu ka siman yahay sharciga.
Transparency Daahfurnaan
Dowladda waxay si cad u muujisaa go’aannada iyo isticmaalka hantida dadweynaha.
Accountability Isla Xisaabtan
Mas’uuliyiinta waxaa lala xisaabtamaa wixii ay qabtaan.Participation Ka-qaybgalka Dadweynaha
Shacabku waxay ka qayb qaataan go’aanqaadashada.Responsivenea Jawaab-celinDowladda waxay ka jawaabtaa baahiyaha shacabka.Equity andInclusiveness Sinnaan iyo Ka-qaybgal loo siman yahay
Dhammaan bulshada waxay helaan fursado siman.Effectiveness and Efficiency Wax-ku-oolnimo iyo HufnaanKheyraadka si wanaagsan ayaa loo isticmaalaa.
Consensus Orientation Is-afgarad
Go’aannada waxaa lagu gaaraa wadatashi iyo heshiis.
Sidee lagu gaari karaa Good Governance?
Good Governance waxaa lagu gaari karaaXoojinta sharciga.La-dagaallanka musuqmaasuqa.
Dhisidda garsoor madax-bannaan.Doorashooyin xor iyo xalaal ah.Kordhinta daahfurnaanta maaliyadda.Dhiirrigelinta ka-qaybgalka shacabka.
Horumarinta waxbarashada iyo wacyigelinta.
Dhisidda hay’ado dowladeed oo awood leh. Waa maxay Faa’iidooyinka Good Governance?
Faa’iidooyinka dowlad-wanaagga waxaa ka mid ah:
Nabadgelyo iyo xasillooni.Koboc dhaqaale.
Maalgashi badan.Hoos u dhaca musuqmaasuqa.
Adeegyo tayo leh waxbarasho, caafimaad, biyo iwm.Kalsoonida shacabka oo kororta.
Cadaalad iyo sinnaan.Horumar waara.
Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Governance iyo Government?Government Governance
Waa hay’adaha dowladda Waa habka maamulka
Waxay ka kooban tahay madaxda iyo hay’adaha dowliga ah Waxay ku lug leedahay dowladda iyo bulshada oo dhanWaa cidda maamusha Waa sida loo maamuloMarka la soo koobo:
Government waa “yaa maamulaya”, halka Governance ay tahay “sidee loo maamulayaa”.
Sidee Soomaaliya ku gaari kartaa Good Governance?
Si Soomaaliya u gaarto dowlad-wanaag waxaa muhiim ah:In la xoojiyo sarreynta sharciga.In la yareeyo musuqmaasuqa.In la dhiso garsoor madax-bannaan.In la qabto doorashooyin hufan oo lagu kalsoon yahay.In la xoojiyo isla xisaabtanka masuuliyiinta.In la kobciyo aqoonta iyo waxbarashada shacabka.In dhalinyarada, haweenka, iyo bulshada rayidka ah laga qayb geliyo maamulka.In la hagaajiyo maamulka maaliyadda iyo canshuuraha.In la xoojiyo amniga iyo hay’adaha dowladda.In la hormariyo dib-u-heshiisiinta iyo midnimada bulshada.

Leave a Reply